Qodobadda ay isla meel-dhigeen Farmaajo, Shariif iyo Xasan Sheekh

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu magaaladda Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyadda kula kulmay labadii hogaamiye ee xafiiska kaga horeysay.

Kulanka oo ku bilowday qadafo sharaf ayaa waxa uu qaatay muddo ku dhowaad saddex saacadood ah, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan labadda dhinac oo xogta dusiyey.

Macluumadka uu GO helayo ayaa tibaaxaya in hogaamiyeyaasha ay isla qaateen in sawirro iyo muuqaalo aan laga qaadin kulanka. Sababta waxaa lagu macneeyay "si looga fogaado marin-habaabin".

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kadib markii uu shirku soo dhamaadey waxay la hadleen saxaafadda iyaga oo ka warbixiyey qodobadda ay isla meel-dhigeen oo kala ah;

1. In Farmaajo "ka garaabay" ficiladii lagula kacay Madaxweyneyaashii hore.
2. Waxaa la isla gartay doorashada hay’adaha dastuuriga ah oo dhan in ay xiligeedii ku dhacdo. Dhamaan dowlada federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeedna ka heshiiyaan modelka doorashada 2020 – 2021
3. In la dhowro dastuurka, xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed
4. Ciidamada siyaasadda in laga dhex saaro. Siyaasiintuna aysan amniga siyaasadeyn.
5. La dagaalanka Alshabaab in meel looga soo wada jeesto.
6. Qodobo kale oo laga wada hadlay lkn lagu balamay in marka la iskaga yimaado oo laga wada hadlo ayaa jira.

Marka laga soo tago sheegashadda Madasha Xisbiyadda Qaran, ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda oo kulanka codsatay isla markaana casuumaadka fidisay.

Dhinaca kale, warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo casuumaad u fidiyey dhamaan xisbiyadda madaxa banaan ee diiwaan-gishan, kuwaas oo uu kala xaajoon doono doorashadda.

Dabacsananata ka imaaneysa Madaxtooyadda ayaa kusoo aadeysa xili mudada xileedka dowladdan uga harsan yahay sanad iyo bilooyin lana aaminsan yahay in madaxda haatan jirta uu damac ku jiro.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM