Qodobka ku jira sharciga doorahsooyinka ee diidmada la kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka doodaya sharciga doorashooyinka oo muhiim u ah coddeynta 2020-21, wallow aanan heshiis laga gaarin nooca lagu galayo.

Sharcigan uu soo diyaariyey Guddi baarlamaani oo gobolada dalka tegay waxaa ku jira qodobo dhowr ah oo muran dhaliyey.

Tusaale ahaan, qodobka 53aad, oo xeerinaya in muddo kororsi ay sameyn karaan madaxda talada haysa, hadii ay yimaadaan daruufo aysan ku saamaxeyn in dooraso la qabto, sida Musiibooyin.

Qodobkaan ayaa la kulmay, ugu yaraan, diidmada ugu badan. Xisbiyadda iyo maamulada qaar waxay cod dheer kusii jeediyeen in la saaro. Puntland waxay qaadacday sharciga oo idil.

Dhinacyadda kasoo horjeeda qodobkaan ayaa ku doodaya in uu dhabaha u xaarayo waqti ku darsi "baalmarsan Dastuurka iyo Shuruucda dalka oo ay sameystaan madaxda federaalka".

Dhinaca kale, xeerkaan ayaa soo jeedinaya in nidaamka doorashadda uu noqdo Horeeyaa guuleysta, iyaddoo lagu saleynayo qof iyo cod, aan meesha ka marneyn 4.5. Balse, heshiis laguma ahan.

Hindise sharciyeedkan sugaya in cod loo qaado ayaa laalay nidaamka Metelaadda isla eg, oo dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay soo jeedisay.

Xubnaha xukuumadda federaalka ka tirsan ee ku jira baarlamaanka labadiisa Aqal ayaa ku kala qeybsan nidaamka cusub ee lasoo bandhigay.

Intaas waxaa wehlisa, qaarkood waxay doonayaan doorasho qof iyo cod ah, halka kuwa kelana ay aaminsan yihiin in aysan dhici karin, taasoo xoojineysa aragtida maamuladda qaar.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in madaxda sare ay ku kala aragti duwan yihiin nidaamka. Farmaajo wuxuu ku adkeysanayaan in ay dhici karto qof iyo cod, halka Khayre uusan qabin arrinkaas.

Kadib burburkii Soomaaliya ka dhacay 1991, doorashooyinkii dhacay ayaanan ka dib-marin waqtigooda. Dowladda Farmaajo waxay noqoneysaa xukuumadii ugu horeysay ee muddo darsi sameysata.

Beesha Caalamka oo horey uga digtay muddo kororsi ayaa ku tartarsiisay baarlamaanka federaalka in uu dhamaadka sanadkan 2019 uu ansixiyo sharciga doorashooyinka oo muhiim u ah hiigsiga 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM