Qofkii saddexaad oo degaanada Jubbaland ugu dhintay Coronavirus

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay in qofkii sadexaad uu degaanadda maamulkaas ugu geeriyooday fayruska safmarka ah ee Covid-19.

Wasiirka caafimaadka maamulkaas, Mursal Maxamed Khaliif oo la hadlay Madasha PDRC Talks, ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo u dhimanaya cudurka, balse aysan marin xaqiijinta rasmiga ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Mursal ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in illaa iyo haatan ay xaqiijiyeen 55 qof oo qabta caabuqaas faafa.

Balse, ma jirto cid kasoo bogsootay, wallow wasiirku ka dhawaajiyey in bukaanada ka caafimadaya ay baahan yihiin hubin dheeri ah.

"Lama dhihi karo qofka wuu ka caafimaadey illaa iyo saddex ama laba jeer laga baaro lagana waayo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Jubbaland ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta liisaska maamulada dalka ee laga soo sheegay kiisaska ugu badan fayruska. Banaadir iyo Puntland ayaa safka hore ku jira, halka Somaliland ay 3aad tahay.

Guud ahaan xaaladaha xanuunka ee waddanka ayaa maraya 1,270. Wuxuu galaaftay 52 ruux oo badankooda ku dhintay magaaladda Muqdisho. Waxaa ka caafimaadey in ka badan 120, sidda xogta ku cad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM