Qoor-qoor oo la kulmay safiirka Qadar iyo hogaanka Madasha Xisbiyadda

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan ayaa wuxuu la kulmay danjiraha dowladda Carbeed ee Qadar, Xasan Bin Xamza.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Qoor-qoor ayaa lagu sheegay in kulanka si gaar ah diiradda loogu saarey xaaladda guud ee waddanka.

"Waxaa maanta hoygeyga Muqdishu kusoo dhaweeyay safiirka Dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayay. Safiirka waxaan iska xogwareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka safaaradda Qadar ee Muqdisho, taas oo xiriir dhow la leh dowladda Farmaajo.

Dhanka kale, Qoor-qoor ayaa isla maanta wuxuu magaala madaxda dalka ee Muqdisho kula kulmay hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran.

"Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynihi hore mudane Xassn Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor," ayaa lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Madasha.

Qoraalka ayaa waxaa intaas la raaciyey: "Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda Siyaasadeed, maareynta marxaladda kala guurka ee Dalka iyo dhaqan gelinta heshiiskii Dhuusamareeb".

Sabtidii lasoo dhaafay ayay markii Qoor-qoor uu yimid Muqdisho. Illo ku dhow xafiiskiisa u xaqiijiyey GO in socdaalkiisa uu daaran yahay sidii shaqsi isaga ku heeb ah uu u qaban lahaa booska laga eryay Xasan Cali Khayre.

Tan iyo markii uu yimid Muqdisho, Qoor-qoor ayaa xusul-duub ugu jira sidii dhinacyadda siyaasada uu ugu qancin lahaa riyadiisa, isagoo siyaabo kala duwan ula kulmay madaweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM