Qoor-qoor oo soo dhisay xukuumad cusub oo ay ku jiraan xubno caan ah

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa soo dhisay gole xukuumad cusub oo ay ku jiraan xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiradda cusub ayaa ka kooban 23. Axmed Saciid Fiqi ayaa loo magacaabay Wasiirka Amniga, halka Saabir Nuur Shuuriye laga dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Kaluumeysiga.

Fiqi iyo Saabir, oo mucaarad ku ah dowlada Farmaajo, waxay ka tirsan yihiin Aqalka Hoose ee federaalka. Dastuurka federaalka ah wuxuu xeerinayaa in aysan kasii mid ahaan karin Golahaas.

Qoor-qoor oo magacaabida kadib u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in soo xulista xubnaha cusub ee xukuumadiisa ay ku qaadatay waqti badan "si uu u qanciyo dhinacyadda".

Intii uu socday shir jaraa'id oo uu ku fahfaahiyey hanaanka magacaabida, madaxweynaha ayaa intaas ku daray in uu rajeynayo in wasiiradiisa cusub ay noqdaan kuwa kasoo guta waajibaadkooda.

"Xubnaha golaha wasiirada aan magacownay kuwa xilka raadinayey uma badna, kuwa xilka doonayey ama u baahnaa ayay u badan yihiin ama wada yihiin," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, hogaamiyaha ayaa wuxuu intaas ku daray "in uu waa cusub u baryi doono [dowladda] Galmudug xaga shaqadda".

Ugu dambeyntii, baarlamaanka Galmudug ayuu cod dheer kaga codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiiradda cusub ee uu soo dhisay, kuwaas oo lagu wado in ay dhowaan codka kalsoonida u qaadan.

Liiska Golaha Wasiirada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM