Qoor-qoor oo soo dhisay xukuumad cusub oo ay ku jiraan xubno caan ah

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa soo dhisay gole xukuumad cusub oo ay ku jiraan xubno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiradda cusub ayaa ka kooban 23. Axmed Saciid Fiqi ayaa loo magacaabay Wasiirka Amniga, halka Saabir Nuur Shuuriye laga dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Kaluumeysiga.

Fiqi iyo Saabir, oo mucaarad ku ah dowlada Farmaajo, waxay ka tirsan yihiin Aqalka Hoose ee federaalka. Dastuurka federaalka ah wuxuu xeerinayaa in aysan kasii mid ahaan karin Golahaas.

Qoor-qoor oo magacaabida kadib u waramay warbaahinta ayaa daboolka ka qaadey in soo xulista xubnaha cusub ee xukuumadiisa ay ku qaadatay waqti badan "si uu u qanciyo dhinacyadda".

Intii uu socday shir jaraa'id oo uu ku fahfaahiyey hanaanka magacaabida, madaxweynaha ayaa intaas ku daray in uu rajeynayo in wasiiradiisa cusub ay noqdaan kuwa kasoo guta waajibaadkooda.

"Xubnaha golaha wasiirada aan magacownay kuwa xilka raadinayey uma badna, kuwa xilka doonayey ama u baahnaa ayay u badan yihiin ama wada yihiin," ayuu hadalkiisa raaciyey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, hogaamiyaha ayaa wuxuu intaas ku daray "in uu waa cusub u baryi doono [dowladda] Galmudug xaga shaqadda".

Ugu dambeyntii, baarlamaanka Galmudug ayuu cod dheer kaga codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiiradda cusub ee uu soo dhisay, kuwaas oo lagu wado in ay dhowaan codka kalsoonida u qaadan.

Liiska Golaha Wasiirada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM