Qoorqoor oo kormeeray dhul laga xoreeyay Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa wuxuu maanta kormeer ku tagay goobihii laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah ee Shabaab.

Qoorqoor ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona gaaray galinkii hore ee maanta magaalada Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay Wisil waxaana halkaas warbixin kaga dhageystay.

Sidoo kale, madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sida ay dhawaan ka xoreeyeen kooxaha khawaarijta ah ee nabaddiidka ah.

Ugu dambeyntii, Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa galinkii danbe ee maanta kormeerkiisa kusoo afmeeray Degmada Camaara iyo deeganada hoos yimaada oo "dhawaan laga sifeeyay kooxaha Nabaddiidka ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM