Qoorqoor oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Soo dhaweynta Qoorqoor ayaa waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne lasoo abaabulay.

Socdaalka Qoor-qoor ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in uu dhowaan Muqdisho ka bilowdo shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulada oo xal loogu goobayo khilaafka doorashada.

"Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay wadanka Turkiga ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Galmudug.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho".

Qoor-qoor ayaa la filayaa in uu maalmaha soo aadan uu la kulmo qaar kamid ah siyaasiyiin ay musharaxiinta kamid yihiin iyo wakiilada Beesha Caalamka kahor wadahadalka isha lagu hayo.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sabab u ah dib-u-dhaca furitaanka shirka isaga oo maamulada raacsan ku boorinaya in ay qaadacaan kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM