Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya oo malaayiin Doolar loo balanqaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 100 dal oo xubin ka ah Hay'adda Lacagta Aduunka ayaa balanqaadey in ay bixin doonan 334 milyan oo Doolar si deynta looga dhaafo Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee IMF ayaa warkaas daaha kaga rogtay war-saxaafadeed ay soo saartey, maanta oo Arbaco ah, 26-ka Febraayo, 2020.

Iyaddoo qaanta ay gaareyso 5.3 bilyan, habka cafinta oo loo marayo hanaan ay diyaarisay IMF oo Soomaaliya ay waajib tahay in la raaco ayaa qaadan karta waqti aan la cayimin.

Kristalina Georgieva ayaa carabka ku dhufatay in yaboohan ay heleen uu hoos u dhigayo deynta guud ee lagu leeyahay dalka dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

"Iyaddoo ay jiraan caqabado, tani waa calaamad cad oo muujineysa in xubnaheena ay aqoonsadeen dedaalka Soomaaliya ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo maaliyadda," ayay tiri.

Si uu dalka ugu guuleysto ansixinta u dambeysa, waa waajib ah in uu natiijo fiican uu ka keeno layliga IMF ee ku saabsan barnaamijka dhaqaalaha iyo dib u habeynta maaliyadda.

Intaas waxaa wehlisa in dalalka deynta leh dib loogu celiyo dhaqaalahooda ama in leysku raaco istaraatiijiyad lagu dhaafayo qaanta.

Bangiga Aduunka ayaa dhowaan wuxuu ku adkeystay in Soomaaliya ay u qalanto in waqti xaadirkaan laga cafiyo deynta lagu leeyahay.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay in go'aanka ugu dambeeya ee deyn cafinta uu soo bixi karo dhamaadka bisha Maaj.

Sidda ay sheegeen hay'addo kala duwan, inta badan deynta lagu leeyahay Soomaaliya waa maalgelin la sameeyay kahor 1990-kii.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii hay'adda IMF ay daboolka ka qaadey in ay furantay maalgelinta deyn cafinta Soomaaliya. Tan iyo xiligaas, wadamo kala duwan ayaa sameeyay yabooh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM