Qoysaska Soomaali ku naf-weyday shil diyaarad oo magdhow helaya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Shirkadda diyaaradaha ee Boeing ayaa ku dhawaaqday in ay magdhow siineyso qoysaska dadkii ku dhintay laba shil oo ay galeen diyaaradaha ay farsameyso ee 737 MAX.

Qoys walba ayaa wuxuu heli doonaa $144,500 oo Doollar-ka Mareykanka ah, sidda lagu sheegay bayaan oo loo diray warbaahinta.

Lacagtan ayaa ka imaaneysa miisaaniyadda guud ee shirkadda, taasi oo sanadkan gaareysa aduun dhan 50 milyan oo Doollar.

Wadarta guud ee qoysaska heli doona lacagtaas ayaa gaareysa 346, kuwaasi oo ay ku jiraan Soomaali haystay baasaboorada dalal kale.

Muwaadiniintan qaarkood ayaa kamid ahaa dadkii ku geeriyooday burburka diyaaradda Ethiopian Airlines ee bishii Maaj ku dhacday duleedka caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Madixii hab-maamuuska xafiiska Ra'isulwasaaraha Cabdishakuur Shahaad, Aamino Cadawe oo ka timid dalka Canada iyo xubno kale oo jinsiyado ka haystay Kenya, Britain iyo Maraykanka ayaa ku jira.

Christine Alalo, oo kamid ahayd ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM gaar ahaan qeybta booliska, una dhalatay Uganda, ayaa kamid noqotay dadkii dhintay.

Maadaama fadhigeedu uu ahaa Muqdisho, Alalo ayaa waqtigaas kasoo laabatay Talyaaniga, iyadda oo kusoo wajahneyd magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Bishii August ee 2001-dii ayay ku biirtay ciidanka Booliska dalka Uganda. Laba caruur ayay ifka kaga tegtay.

Boeing, shirkad laga leeyahay Mareykanka ayaa shilalkaasi ay ku lug-yeeshaan diyaaradeeda, waxay u keentay sumcad xumo, ay haatan u baahan yihiin in ay si degdeg uga soo kabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM