Qoyska Axmed Dowlo oo ka jawaabay hadalkii Aabaha Ruqiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Mukhtaar Saalax, aabaha wiilka ay is-canshaqeen Ruqiyo Cabdullaahi Maxamed oo ah shaqsiyaadka sababey dilkii naxdinta lahaa ee Axmed Dowlo ayaa ka jawaabay eedaymo culus oo ka yimid dhinaca qoyska gabadha.

Qoyska Gabdha, gaar ahaan Aabaheeda oo hadley wuxuu sheegay in wax latashi ah aanan lagala sameyn isaga guurka gabadhiisa, isla markaana laga boobay xili uu baaq udirey dowladda iyo Sharci-dejiyaasha Gollaha Shacabka.

Balse, waxaa eedaymaha Aabo Cabdullaahi kasoo horjeestay Saalax, kaasi oo sheegay in Aabaha Ruqiya uu wax kasta la socdo, balse, caafimaadkiisa oo aanan taam aheyn darteeda uu hadalada isku qadlayo.

Shirar looga hadlayo arrinkaan ayuu tibaaxay inay wada qaateen qoysaska labadda dhinac kahor inta aysan xaaladda xumaanin, isaga oo afka ku balaariyey inay dhankooda diyaar uyihiin mar kasta in xalka la abaaro.

Dhibaatooyin kala duwan ayuu sheegay in loo geystay Adeerayaasha Wiilkiisa, oo ay kamid tahay in iyaga oo shir ufadhiya la jirdil, inkasta oo uu cadeeyey inaanu arrinkaasi waxba kasoo qaadi doonin.

Aabo Saalax ayaa shaaca ka qaadey in Ruqiya iyo Maxmed markii ugu dambeysay oo ay ku kala tagayeen shirkii ay la qaateen qoyska Gabadha aysan isku nikaaxneen, balse Xilldhibaano ka tirsan dowladda ay isku mehriyeen xili lagu wado in Aroos qaran loo sameeyo.

"Gabdhooda waxaan ka wadaney markii hore [waa la boobey]. Waana usoo celinay. Waxay dhaheen lama qabo. Kadib way noo yimaadeen iyaga oo leh hanoola furo. Labo dalaaq ayaa lagu furey. Kadib Shirar ayaan yeelanay. Aabaha wuxuu sheegay inuu gabdhiisa la doonayo meesha ay Adeeradeeda la rabaan. Marka wax kasta wuu la socdaa, balse, caafimaadkiisu taamam ma ahan," ayuu yiri Aabo Saalax.

Kiiska lamaanahani oo gil-gilay guud ahaan Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay dowladda qaabka ay uga fal-celisay, waxaana dad badan oo ka hadlay ay ka digeen inuu dhaco Arooska qaban-qaabadiisu la sheegay inay socoto iyada oo aanan xal waara laga gaarin muranka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM