Qoyska Galeyr oo su'aal geliyey cudurka la sheegay in uu u dhintay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaar ka mid ah ehelka Allaha u naxariistee Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, ayaa codsaday in dib loo baaro waxa geeridiisa sababay.

Marxuumka ayaa shalay la shaaciyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga. Mas'uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxay sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Cali uu u dhintay fayraska korona.

Hasayeeshee, xubno kamid ah qoyska siyaasiga oo u waramay Idaacadda BBC-da waxa ay ku doodayaan in ay mudan tahay in baaritaan kale la sameeyo.

"Anaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota," ayuu yiri Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka.

Mukhtaar wuxuu sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19.

"Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. 'Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka', ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani."

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha".

Sidoo kale, Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu waramay in lagu aasi doono magaalada caasimada u ah Soomaaliya ee Muqdisho. Lama ogga goorta, Marxuum Cali Khaliif wuxuu ahaa 78 sano jir.

GO + BBC

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM