Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi oo codsi u diray Midowga Yurub

Image
Dalabkan ayuu la wadaagay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Arbacada maanta ah waxa uu xafiiskiisa magaala madaxda Muqdisho ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Ms Tiina Intelmann.

Labada mas'uul ayaa waxay ka wada hadleen "sidii mashaariicda horumaniyeed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya loogu salayn lahaa barnaajiyada ahmiyadda u leh xukuumadda Dan-Qaran".

Intelmann ayaa, sidda uu sheegay xafiiska Xamse, waxay la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha in Midowga Yurub uu sii wadi doono barnaajiyadda horumarinta ee uu ka taageero Soomaaliya.

Midowga Yurub ayay hoosta ka xariiqdey in xilligan uu kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u jeediyay Danjiraha Midowga Yurub in mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda xilligan.

Si gaar ah ayuu u xusay xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al-Shabaab oo hadda ay xukuumaddu ka wado hannaankii dadka deegaanka lagu gaarsiin lahaa adeegyadda aasaasiga ee Khawaariijtu ka curyaamisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM