Rag Al-Shabaab ah oo ku dhintay qarax ay ku maleegayeen Bariire

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Taliska Ciidanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in dagaalameyaal Al-Shabaab ah ay ku geeriyoodeen qarax ay ku maleegayeen guri ku yaala tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa khadka telafoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in ay maqleen jugta culus, aroornimadii saakay. Balse waa ay ka gaabsadeen fahfaahin dheeraad ah sababo amni awadeed.

Hasa yeeshee, sarkaal sare oo ka tirsan xoogaga dowladda ee degaankaasi ku sugan ayay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay "in laba xubnood oo Shabaab ay ku naf-waysay dhacdadaasi".

Bariire, tuulo muhiim u ah isu socodka magaalada Muqdisho iyo gobolada maamulka Koonfur Galbeed waxaa horaantii sanadkan la wareegay milatariga markii ay faarujisay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Degaankan ayaa la rumeysan yahay in inta badan laga soo abaabuli jiray qaraxyadda ay Al-Shabaab ka fuliso caasimada dalka kahor inta aysan u soo wareejin gudaha magaaladda.

Warbixino dhanka sirdoonka ah ayaa soo wariyey in qaraxii cuslaa ee Soobe kaasi oo galaaftay nolosha in ka badan 500 ruux oo shacab u badan laga soo abaabulay tuulada Bariire oo 60 KM u jira magaala madaxda dalka.

Masuuibadaasi oo loo adeegsaday gaari xamuul ah ayaa noqotay tii ugu dhimashada badnaa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya tan iyo dagaalkii sokeeye 1991-dii.

Khuburada dhanka amaanka ayaa tilmaamay in markii ay kooxdu lumisay Bariire ay meesha ka baxday mid kamida ilaha dhaqaale ee ay "ku tiirsaneyd" maadaama ay u tiilay jifgooyo ay lacago kaga qaadi jirtay gaadiidka.

Bishii May 2017-kii, askari Ameerikaan ah ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamo huwan ah ka fuliyeen Bariire, waqtigaasi oo ay haysatay Al-Shabaab isla markaana duqeymo diyaaradeed lagula beegsanayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM