Rag dil u maleegay madax ka tirsan Galmudug oo xukun lagu ridday

Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah waxay xabsi daa'in kuwada xukuntay laba ruux oo lagu eedeeyay in ay shirqool dil ah la damacsanaa madaxda Galmudug.

Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan iyo Cali Dhubad Nuure Siyaad ayaa gacanta laamaha ammaanka galay bishii Maaj ee sanadki hore 2018-kii.

Cabdiraxmaan oo 23-sano jir ah kuna dhashay Saakow ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka is-qarxinta iskuna qarxin rabay xaflad ay goobjoog ka ahaayeen madaxda maamulka.

Munaasabadda oo ka socotay 23-kii Maaj magaaladda Guriceel ayaa loogu duceynayey askarta Ahlu Sunna kaga geeriyootay dagaalka adag oo ay la galeen dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Xafladda oo ammaankeeda aad loo adkeeyay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiinta ugu sareysa Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna.

Ninkaan oo magacyadiisa afgarashadda ay kala yihiin Salmaan iyo Axmed kaas oo codsaday in uu Gabey ka jeediyo munaasabadda ayaa qirtay dambiga, isaga oo ku doodey in la qaldey.

Cali Dhubad Nuur Siyaad, 44-jir, ku dhashay gobolka Galgaduud, ayaa waxaa loo haystaa fududeynta weerarkaas fashilmay.

Siyaad ayaa waxaa si lamid ah lagu soo oogay in uu hubka sharci daradda u kala iibin jiray xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

Qareenadda difaacayey oo coksaday in Cabdiraxmaan la qalday iyo in Siyaad loo hanjabay ayaa codsaday in loo naxariisto.

Dacwad oogeyaasha oo ku doodey in ay ku talogaleen labadooda daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan ayaa soo jeediyay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta fal-dambiyeedka ay sidda ulakaca ah u goosteen.

Ugu dambeyntii, garsooreyaasha oo qadariyey caddeymaha ay kamid yihiin qiraaladda eedeysaneyaasha, jaakada is-qarxinta iyo telefoonadii ay kuwada xiriireen ayaa ayaa sheegay in ay rafcaan ka qaadan karaan xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM