Muxuu yahay ujeedka socdaalka ra'iisul wasaare Khayre ee Qadar?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu u ambabaxay dalka Qadar.

Wafdiga wasiirka koowaad waxaa qayb ka ah Cabdiraxmaan Maxamed, gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka, oo horey u soo noqdey lataliyaha arrimaha dhaqaalaha ee xafiiska Khayre.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xukuumada ayaa socdaalka ra'iisul wasaaraha ku sifeeyay mid shaqo, balse lama bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada iyo madaxda uu la kulmayo.

"Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb uu ka yahay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Qatar," ayaa lagu yiri bayaanka kooban.

Warar horudhac ah ayaa xusaya in Khayre uu la kulmi doono dhigiisa cusub ee Qadar, Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, kaasoo xafiiska la wareegay 28-kii Janaayo sanadkan 2020-ka.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in qodobada ay kawada hadli doonan ay ku jirto sidii dib loogu bilaabi lahaa dhaqaalihii ay Dooxa siin jirtay Soomaaliya oo hakad ku yimid markii u yimid Al Thani.

Qatar, oo gacansaar dhow la leh dowladda uu leeliyo madaxweyne Farmaajo ee muddo xileedka gabaabsi ka yahay, ayaa horey u bixisay dhaqaalo lagu maalgeliyey mashaariicyo iyo arrimo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM