Khayre oo socdaal aan lasii shaacin ku tegay dalka Qadar

Image
Image
Image

DOOXA, Qadar - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ma uusan fahfaahin ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka ra'iisul wasaaraha oo aan horey loo shaacin.

Xukuumadda Dooxa ayaa cilaaqaad wanaagsan la leh dowladda haatan ka jirta Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka Khaliijka.

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kula kulmay qaar kamida Soomaalida ayaa dhowaan sheegay in dowladiisu "dhibaato xoogan kala kulantay xifaaltanka wadamada Carbeed".

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris.

Brussels ayuu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM