Ra'iisul Wasaare shaaciyey sifooyinka lagu xusuusan doono Hodan

Image

OTTAWA, Canada – Ra'iisul Wasaaraha Canada ayaa cambaareeyay weerar "bahalnimo ah" oo ay geysatay Al-Shabaab laguna dilay 26 ruux oo ay ku jirtay saxafiyad ku dhalatay Soomaaliya balse haysatay dhalashada Canada.

Gabal-dhicii Jimcaha, qarax is-miidaamin oo lagu beegsaday huteel Madiina [Ex-Cascasey] ayna xigeen dabley gudaha gashay ayaa sababtey iska horimaad ay 12 saacadood kadib ay soo afjareen ciidamada ammaanka.

Dadka la laalay waxaa kamid ahayd Hodan Nalaayeh, saxafiyad u olaleyneysay nabada iyo midnimadda dalka Soomaaliya, taasi oo aas-aastey muuqaal-baahiye ay ugu magac dartey Integration Tv.

Marxuumadda ayaa lala khaarijiyey seygeeda, Fariid, kaasi oo soo noqday Wasiirka Ganacsiga Jubbaland. In ka badan 50 ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee Kismaayo ka dhaca.

Justin Trudeau ayaa tibaaxay in Hodan lagu xasuusan doono; soo bandhigista sheekooyinka fiican, kuwa aan la sheegin, dhiirogelinta, baahinta barwaaqada, difaacida kala duwanaanshiyaha iyo wadajirka Soomaaliya.

"Geerideeda waxaa aad looga dareemay Canada, iyo Soomaaliya si lamid ah bahda warbaahinta ee caalamka," ayuu daba dhigay Trudeau, oo war-saxaafadeed kasoo saarey weerarkii Kismaayo.

Geesta kale, Axmed Xuseen, wasiirka socdaalka ee Canada, kaasi oo ku dhashay wadanka leh xeebta ugu dheer Afrika, ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska Hodan.

"Xirfadeeda saxaafadeed, Hodan waxay diirada saari jirtay sheekooyinka wanaagsan iyo ka qeyb qaadashada Canada. Iyaddu waxay cod u noqotay dad badan," ayuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Mid kamid ah barnaamijyadii ugu dambeeyay ee ay Hodan sameysay waxay kusoo bandhigtay sida bulshadda Soomaaliyeed ee Qurba joogta cod loo siin karo.

"Baraha bulshadda waxay bedelaan dhaqanka dadka iyo sida ay ku baran karaan dhaqanka. Marka, aniga ma sameyn karo qaarado badan, waxaan u socdaa in aan dhaxal uga tago Afrika oo aan dadka kale u sheego," ayay tiri.

Sikastaba, Hodan oo dhulkeeda hooyo uu kusoo celiyey wadan jaceyl ayay saxaafada caalamka sheegtey in ay geeriyootay iyadda oo isku dayeysay in ay bedesho "sawirka qaldan ee dunida ka haysato Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM