Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo magacaabay guddi cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26ka June iyo 1da July.

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa loo magacaabay guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo caddaaladda, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha golaha Wasiirrada, agaasime ku-xigeenka guud ee madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.

Guddiga oo ay howshoodu ku egtahay laba bilood kadib xuska maalmaha xorriyadda, ayey shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26ka Juun iyo 1da July ee sanadkaan 2020 iyaga oo kaashanaya madaxda dowlad gobaleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee heer gobal iyo heer degmo, in shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad ay ku dhiirri geliyaan muhiimadda ay leedahay xuska maalmaha xorriyadda iyo inay dhisaan guddi hoosaadyo ay ku jiraan howl-wadeenno, xildhibaanno, aqoonyahanno, Salaadiin, ururrada haweenka, ururrada dhallinyarada, jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Xuska ayaa sanadkaan kulansaday laba munaasabood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah sanad guurada 60aad iyo sanad guurada 20aad ee dib-u-aasaaska dowladnimada Soomaaliya oo lagu dhisay degmada Carta ee Jahuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM