Rayid ku dhamaadey qarax ay ka badbaadeen ciidamadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhowr shacab ah ayaa ku geeriyoodey qarax Miino oo la kacday gaari rakaab ah oo ay la socdeen, sidda loo xaqiijiyey Garowe Online.

Dhacdadan ayaa laga soo wariyey degaanka Muuri, oo 13 KM u jira magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay mareega GO in meesha uu qaraxu ka dhacay ay daqiiqado kahor maray gaari Cabdi Bille ah.

Gaarigaas ayaa la rumeysan yahay in ay la socdeen cutubyo kamid ah askarta dowladda gaar ahaan milatariga.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in saraakiil ay qayb ka ahaayeen kolanyadaas oo aanan wax garaafo ah soo gaarin.

"Qaraxa aad ayuu u xooganaa. Dhowr qof kale ayaa ku dhaawacmay," ayuu yiri Cabdinuur Maadey, oo dadka degaanka kamid ah.

Al-Shabaab ayaa ku xoogan gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo aalaaba looga bartay weerarada gaadmada iyo qaraxyadda noocaan ah.

Ciidamadda ayaa markii ay ku bateen qaraxyadda waxay bilaabeen in ay adeegsadaan gaadiidka badda si ay uga badbaadeen qaraxyadda.

Isku daygii ugu horeeyay oo shil ay ku galeen badda meel ku dhow xeebta magaalada Marka ayaa lagu waayey 3 askari, wallow kolkii dambe nolo lagu soo helay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM