Rayid ku dhamaadey qarax ay ka badbaadeen ciidamadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhowr shacab ah ayaa ku geeriyoodey qarax Miino oo la kacday gaari rakaab ah oo ay la socdeen, sidda loo xaqiijiyey Garowe Online.

Dhacdadan ayaa laga soo wariyey degaanka Muuri, oo 13 KM u jira magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa u sheegay mareega GO in meesha uu qaraxu ka dhacay ay daqiiqado kahor maray gaari Cabdi Bille ah.

Gaarigaas ayaa la rumeysan yahay in ay la socdeen cutubyo kamid ah askarta dowladda gaar ahaan milatariga.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in saraakiil ay qayb ka ahaayeen kolanyadaas oo aanan wax garaafo ah soo gaarin.

"Qaraxa aad ayuu u xooganaa. Dhowr qof kale ayaa ku dhaawacmay," ayuu yiri Cabdinuur Maadey, oo dadka degaanka kamid ah.

Al-Shabaab ayaa ku xoogan gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo aalaaba looga bartay weerarada gaadmada iyo qaraxyadda noocaan ah.

Ciidamadda ayaa markii ay ku bateen qaraxyadda waxay bilaabeen in ay adeegsadaan gaadiidka badda si ay uga badbaadeen qaraxyadda.

Isku daygii ugu horeeyay oo shil ay ku galeen badda meel ku dhow xeebta magaalada Marka ayaa lagu waayey 3 askari, wallow kolkii dambe nolo lagu soo helay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM