Rooble iyo Xaashi oo kulmay xilli khilaaf uu culus jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Isniinta maanta ah kulan ku yeeshay Muqdisho.

Sida ay wararku xusayaan, shirka ayaa ku saabsanaa arrimaha doorashada waxay ku yeesheen Muqdisho. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda waxay xustey in wadahadalada uu kusoo idlaadeen "is-afgarad".

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta.

Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hanaanka loo xulayo wakiilada maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ku metelaya baarlamaanka federaalka.

Cabd Xaashi oo ah mas'uulka ugu sareeya ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee ka tirsan dowladda federaalka ayaa khilaaf uu kala dhaxeeyaa ra'iisul wasaare ku xigeenka waddanka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Khadar oo gacansaar dhow la leh maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa doonaya in uu la wareego hogaaminta xulista wakiilada Somaliland, balse waxaa kasoo horjeeda Xaashi.

Wadahadalada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ee maalintii saddexaad ku galay Muqdisho ayaa qodobada hareynaya waxaa kamid ah qadiyada Somaliland taasoo aan wali xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM