Rooble iyo Xaashi oo kulmay xilli khilaaf uu culus jiro

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Isniinta maanta ah kulan ku yeeshay Muqdisho.

Sida ay wararku xusayaan, shirka ayaa ku saabsanaa arrimaha doorashada waxay ku yeesheen Muqdisho. Warbaahinta ku hadasha afka dowladda waxay xustey in wadahadalada uu kusoo idlaadeen "is-afgarad".

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta.

Wadaxaajoodyadan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hanaanka loo xulayo wakiilada maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ku metelaya baarlamaanka federaalka.

Cabd Xaashi oo ah mas'uulka ugu sareeya ee kasoo jeeda gobolada waqooyi ee ka tirsan dowladda federaalka ayaa khilaaf uu kala dhaxeeyaa ra'iisul wasaare ku xigeenka waddanka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Khadar oo gacansaar dhow la leh maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa doonaya in uu la wareego hogaaminta xulista wakiilada Somaliland, balse waxaa kasoo horjeeda Xaashi.

Wadahadalada xalka loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka Soomaaliya ee maalintii saddexaad ku galay Muqdisho ayaa qodobada hareynaya waxaa kamid ah qadiyada Somaliland taasoo aan wali xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM