Rooble oo amray in la baaro dhacdadii garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay shaqaaqadii maanta ka dhacdey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde taasoo u dhaxeysay ciidamo ka tirsan booliska iyo nabad-sugida.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso ayuu faray in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xundubey iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Duraan ayaa kormeeray garoonka saacado kadib shaqaaqadda waxaana ay qiimeeyeen khasaaraha dhacay.

"Inkasta oo wixii ka dhacay garoonka Aadan Cadde ay ahayd wax iska yar haddana waan ka raaligelinaynaa shacabka Soomaaliyeed," ayuu Xasan Xundubey ka sheegey shir jaraa'id oo uu ku qabtay gudaha madaarka.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in shaqaaqadan ay ka dhalatay markii saraakiisha booliska madaarka ay diideen in ay gudbaan baaris la'aan ajaaniib iyo Soomaali u socday hay'adda NISA.

Tan iyo markii taliska Farmaajo uu si sharci darro ah uu laba sano ugu darsaday, saraakiisha dharcadka ee NISA waxaa si weyn loogu daabulay madaarka Aadan Cadde halkaasoo ay "ku dhibaateeyaan shacabka rakaabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM