Rooble oo la siiyey talooyinka ku saabsan waajibaadkiisa cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fariimaha hawada loo marinayo Ra'iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isa soo taraya ka gedaal markii madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uu shaaciyey in uu ku wareejiyay waajibaadka diyaarinta doorashooyinka.

Rooble oo aqbalay in uu hogaamiyo geedi-socodkaas ayaa muddeeyay shir dowladda iyo maamulada ay Muqdisho ku yeelanayaan 20-ka Maarso, magacaabayna guddi ka shaqeeya mideynta ciidamadda ku kala qeybsamay khilaafka doorashooyinka iyo muddo kororsiga labada sano.

Hasa ahaatee, siyaasiyiinta ka aragtida duwan taliska muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa daaha ka rogay in ay jiraan talaabooyin kale oo looga baahan yahay Rooble si uu u hanto kalsoonida buuxda ee mucaaradka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah musharaxiinta madaxtinimadda ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook wuxuu ku daray: "Mudane Rooble ayaa waxii hadda ka danbeeyo looga fadhiyaa inuu xilkiisa si buuxdo ola wareego, Farmaajo iyo murashaxiinta kalena ola dhaqmo si siman oo isku xuquuq ah".

Senator Abshir Bukhaari oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa xusay "Rajo xumada, is-aaminaad la’aanta, kala-fogaanshaha iyo dhammaan xasaradaha dalka ka jira waxaa looga gudbi karaa in la qaado wado cusub oo ku dhisan is-aaminaad, isku-turid iyo wadar-ogol, waxaana rajo weyn ka qabaa in uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Roble uu ku guuleysto waajibkaas culus waana midaas mida RW Rooble laga rajeynayo, garab istaag buuxana uu ku mudan yahay".

Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa tibaaxay "Amniga doorashada iyo kan qaranka laba makala noqon karaan waana ku mahadsanay yahay RW Rooble in uu sidaa u faahfaahiyo, si kalsoonida usoo noqoto doorasho cabsi ciidan iyo qalqal aminba ka madaxbanaan dalka uga qabsoonto Ra’iisulwasaare qorshaha aad soo bandhigi doonto haka muuqato isbadal la taaban karo".

Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dhankiisa wuxuu carabka ku dhuftay "Ra’iisul Wasaare Rooble waxaan leeyahay abtiyow dhiiqadii Farmaajo lugaha kula jiray yaan adiga lagaaga dhex siibanin ee si xikmadeysan arintaan u wajah, dadkana talada wax ka sii. Kuwa xamaasadeysan ee raba caaddifad in ay ku majoxaabiyaan dadaalkeenana waxaan leenahay walaaleyaalow Ilaahey iimaanka ha idin geliyo".

Waajibaadka cusub ee Rooble ayaa haddii dalka uu ugu hogaamiyo mar-xalad kala guur iyo doorashooyin nabdoon lana wada aqbalo natiijadda kasoo baxda wuxuu ka heli doonaa sawir wanaagsann oo siyaasadeed, balse haddii uu kusii shaqeeyo fekerkii mucaaradka diidey waxaa macno beeli doona miisaankiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM