Guddi loo saarey shirka lagu xalinayo khilaafka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii-haayaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wuxuu magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya qabanqaabada Shirka golaha wadatashiga qaranka.

Shirkaas oo xukuumadda federaalka ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ay fududeyneyso wuxuu dhexmarayaa hogaamiyeyaasha dowladda dhexe iyo maamuladda kale ee dalka.

Sidda ku xusan qoraal Axada maanta ah kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad Mr Rooble, dowladda federaalka, maamuladda iyo gobolka Banaadir waxay ku leeyihiin guddigan mid laba xubnood.

Qoraalka ayaa muujinaya in laba haween oo kaliya ay ku jiraan guddiyadan waxaana labadaas dumar ay kala metelayaan maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedka HirShabelle.

Magacyadda guddiga ayaa kala ah

  1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, sii-haayaha wasiirka dastuurka federaalka
  2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, sii-haayaha wasiirka tacliinta federaalka
  3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland
  4. Cabdullaahi Cali Xersi [Timacadde], wasiirka warfaafinta Puntland
  5. Xersi Jaamac Gaandi, wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Jubaland
  6. Mursal Maxamed Khaliif, wasiirka caafimaadka dowladda Jubaland
  7. Cabdi Maxamed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha Galmudug
  8. Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka isgaarsiinta Galmudug
  9. Axmed Madoobe Nuunow, wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed
  10. Maxamed Abuukar Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya
  11. Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle
  12. Caasha Khaliif Maxamed, wasiirka haweenka HirShabelle
  13. Basma Caamir Maxamed, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir
  14. Xiirey Axmed Rooble, xoghayaha gobolka Banaadir

War-saxaafadeedka xafiiska sii-haayaha Ra'iisul Wasaaraha ayaan lagu caddeyn goobta iyo goorta uu ku qabsoomayo shirkaas oo imaanaya xilli Villa Soomaaliya horey kulan u muddeysay 15-ka bishan Febraayo.

Shirkaas uu iclaamiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa la isku qabtay goobta uu ka dhacayo markii Puntland xustey in aan lagala tashan in uu ku qabsoomo Garowe.

Beesha Caalamka oo ku tartarsiisay madaxda Soomaalida in ay shir deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo is-faham-waaga coddeynta ayaa cod dheer kaga digtay in shirka 15-ka Febraayo uu dib-u-dhac ku yimaaddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM