Rooble oo safar lagu muransan yahay ku tagay Garbahaarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaare Rooble ayaa ka dagay Garbahaarey xilii safarkaan isku khilaafeen madaxda Jubaland. Wasiirka koowaad wuxuu maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa magaalada Kismayo.

Weli lama shaacin natiijada ay gaareen guddiyada heer maamul goboleed oo aheyd xal u helida mushkilada gobolka Gedo. Garowe Online wuxuu fahansan yahay in Jubaland aysan raali ka ahayn socdaalkan.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Garbahaaray   ee Gobolka Gedo  Jubaland, halkaas oo si diiran ugu soo dhaweeyeen Maamulka Gobolka  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Lama ogga mudada uu Rooble baaqi kusii ahaan doono Garbahaarey oo shalay ay gaareen saddex diyaaradood oo siday odayaal dhaqameedyo ay Villa Soomaaliya dejisay qaar kamid ah hoteelada caasimada Muqdisho.

Dhanka kale, Rooble ayaa dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada Garbahaarey, kaa soo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee Xukuumaddu ka hirgelinayso gobolka Gedo.

Garbahaarey ayaa kamid ah degaan doorashooyinka la qorsheeyay in lagu soo xulo Xildhibaanada baarlamaanka 12aad ee Soomaaliya. Hase ahaatee, waxaa muran uu ka taagan yahay qaabka loogu dooranayo.

Socdaalka Rooble ayaa kusoo aadaya iyadda oo lagu wadday in ay shaqo bilaabaan guddiga heerka wasiir ee la qorsheynaayey in ay dib-u-heshiisiin ka bilaabaan Garbahaarey ayna dadka soo doortaan guddoomiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM