Roobow oo codsi u gudbiyay Xildhibaano Xabsiga ku booqday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho ugu tegay Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], kaasi oo xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka ah tan iyo 13-kii bishaan December.

Mudanayaasha oo inta badan ahaa kuwa kasoo jeeda degaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kala hadlay Abuu Mansuur arrimo badan oo ku xeeran xarigiisa iyo doorashada Koonfur Galbeed oo Villa Somalia kahor istaagtay.

Sida uu xogta ku helay warsidaha Garowe Online, Roobow ayaa ka dalbaday Xildhibaanada "inay xaliyaan kiiskiisa", kana shaqeeyaan sidii xabsiga uu ku jiro looga sii deyn lahaa.

Mukhtaar Roobow ayaa ku xiran xarunta hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiijo oo ku dhaw Villa Somalia, halkaasi oo uu si lamid ah ku xiran yahay Xasan Daahir Aweys.

Roobow ayaa lagala wareegay Taleefonkiisa gacanta [Mobile], iyadoo gabi loo diiday aaladda Is-gaarsiinta, sida ay sheegeen Xildhibaanada u tegay, kuwaasoo sheegay inay isku dayi doonan inay Xukuumadda kala hadli doonaan Kiiska Roobow.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inay ku qaldaneyd in Roobow ka reebto doorashadii KG ee qabsoontay 19-kii bishaan, taasi oo kusoo baxay Cabdi Casiis Lafta Gareen oo Xukuumadda wadatey

Kiiska Roobow waxaa haatan si buuxda ula wareegtay hay’adda NISA, taas oo uu madax u yahay Fahad Yasiin, oo lagu tilmaamo inuu yahay nin saameyn ku leh siyaasadda dowladda hadda jirta, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xariga Roobow ayaa horseeday rabshado dhiig ku daatey oo ka dhacay Baydhabo kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruux oo uu ku jiro Xildhibaan kamid ahaa Baarlamaanka KG, iyadoo ciidamada Itoobiya ay xireen boqolaal qof oo dhalinyaro u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka waxay ku xiran tahay horumarka siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Haddaladda Jeneraal Anderson ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 09:16AM

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM