Roobow oo ku adkeysatay ka qaybgalka doorashada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] ayaa ku adkeystay inuu ka qaybgalka doorashada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, taasi oo la filayo inay qabsoonto 17-ka bisha dambe ee November.

Warar dheeri ah oo laga helayo ayaa sheegaya in wadahadalo maalmihii u dambe u socday Dowladda Soomaaliya iyo Roobow ayaa u muuqda in is faham aan buuxin laga gaarey, islamarkaana ay suurtgal tahay in hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al Shabaab sii waqti ololihiisa.

Mar sii horeysay, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga dalka ayaa lagu sheegay in aanu Roobow u tartami karin doorashada sababo ku aadan inay wali saaran tahay xayiraad caalami ah.

Balse, Mukhtaar Roobiw oo si wayn uga banaan-baxay arrintaasi ayaa sheegay inaanu uhakin doonin arrimahaasi, taas oo keentay inay dowladda u dirto Baydhabo Wafdi kala soo xaajooda arrimahaasi.

Sikastaba, illo lagu kalsoonaan karo ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in Roobow arrintaas loo ogolaadey, isaga oo sii wadan doona olalihiisa doorashadda oo ay kaabayaan masuuliyiin dowladda ka tirsan.

Lama ogga waxa iska bedalay mowqifka dowladda iyo waxa keenay inay u ogolaato Roobow inuu baratanka qayb ka noqdo, balse waxaa la fahansan yahay inay timid markii wadaadka uu ka goos adeegay dalabyada DFS.

Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa raggii dhidibadda u taagan xoogaga Al-Shabaab ayaa ku biiraya liiska xubnaha horey uga mid ahaan kooxdani, kuwaasi oo kadibna siyaasiyiin isku bedalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Su’aal ka Keenay Xilliga ay Mucaaradku u Muddeeyeen Dibadbaxyada Muqdisho

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay la yimaadaan barnaamijyo siyaasadeed oo dhaxalgal ah.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 07:39PM

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM