Maxay Soomaaliya "ugu nugushahay" Coronavirus?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dalku uu "u nugul yahay" fayruska safmarka noqdey ee Coronavirus loona baahan yahay kaalmo caalami ah.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqdey in aysan haysan qalabkii loo baahnaa, taasna ay wiiqeyso dedaalkooda ka hortagga, hadii xanuunka la helo.

"Waxaad qiyaaseysaa Soomaaliya waa dalalka haatan soo koraya dhibka kasoo baxay, waxyaabo badan oo difaac ahaan isku difaaci karto ma haysato, daaweyn ahaan. Qalab waaweyn ayaa loo baahan karaa sida ICU-da," ayay Sabtidii u sheegtay warbaahinta gudaha.

Hadalkaas ayay ka dhawaajisay kadib kulan ay la qaadatay xubno ka socda Beesha Caalamka oo ay waydiisatay taageero dhaqaale iyo mid qalab, iyaddoo rajo fiican ka muujisay in ay heli doonan.

Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, Fowziya ayaa deeq-bixiyeyaasha caalamka ku waanisay in ay dalabkooda ay gudaha kusoo gaarsiiyaan sidda ugu dhaqsiyaha badan isla markaana ugu dhow.

Illaa iyo haatan, afar muwaadin oo ka yimid Shiinaha ayaa laga baaray xanuunkaas. Natiijo horudhac ah waxay muujineysaa in aysan qabin cudurka. Dibada ayaa loo diray si loo hubiyo.

Xarumo lagu hayno dadka looga shakiyo Coronavirus ayaa laga hirgeliyey agagaarka madaarka Aadan Cadde.

Coronavirus oo kasoo bilowday Shiinaha gaar ahaan magaalada Wuhan ayaa illaa iyo haatan guud ahaan caalamka ku dilay 5-kun oo ruux. Kiisaska la xaqiijiyey waxay gaarayaan 120-kun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM