"Saddex ujeedo" oo madaxda DF ay ka leeyihiin metelaada gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saddex qorshe istaraatiijiyadeed ayay ka leeyihiin xeerka lagu muransan yahay ee metelaada gobolka Banaadir, sidda uu shaaciyey siyaasi.

Golaha Shacabka ayaa go'aan la isku khilaafay kasoo saarey xeerkaan, iyaddoo fadhigii lagu meelmariyey ay isaga baxeen wakiilada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo sharci darro ku qeexay.

Ismaaciil Daahir Cusmaan, taliyihii hore ee NISA oo xusay in xeerku siyaasadeysan yahay, ayaa su'aal ka keenay waxa isku beegay hadalka guddiga doorashooyinka ee baajinta coddeynta 2020-21 iyo go'aankaas.

Cusmaan ayaa wuxuu ujeedada koowaad ku sifeeyay in madaxda fadhisa Villa Soomaaliya ku helaan muddo kororsi, arrintaas oo maamuladda waddanka iyo xisbiyadda ay ka biyo diideen.

"Madaxweynaha muddo xileedkiisa ayaa gabaabsi ah, guddiga doorashooyinka Qaranka ee la rabay in ay ka noqdaan dhex-dhexaad oo garsoore u noqdaan madaxda talada dalka haysa, maamulada iyo xisbiyadda waxaad moodaa in uu dhinac ku biiray oo uu u ololeynayo in ay muddo kororsi helaan hay'addaha dastuuriga ah ee waqtigooda kasii dhacayo," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay siyaasiga, qorshaha labaad waa "in la iska hor-keeno dadka ku dhaqan gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyadda kale".

Taliyihii hore ee NISA oo kamid ah xubnaha naqdiya siyaasadda dowladda Farmaajo ee waqtiga kasii dhacayo ayaa hadafka saddexaad ku tilmaamay "in lagu kala jebiyo mucaaradka Villa Soomaaliya".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cusmaan ayaa xoojiyey dooda ku saabsan in la helo maqaamka Muqdisho kahor inta aan la raadin metelaada.

"Shacabka Muqdisho waxaa saaran xayiraad amni, dhaqaale iyo xirnaan waddooyin; dadka Muqdisho uma baahna maqaam waa marka hore laga qaadaa xayiraadahaas," ayuu kusoo gabagabeeyay.

Mudadii ay jirtay dowlada Farmaajo waxaa Muqdisho ka dhacay labadii qarax ee taariikhda ugu dhimashadaa badnaa Soomaaliya, waxaana arrintaas loo aaneeyay habac-sanaan iyo qorshe la'aan dhanka sugida amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM