Safaarada Sacuudi Carabiya ee Muqdisho oo dib loo furayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa maanta oo Talaado ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay la-taliye Abdusalam bin Abdullahi bin Rashud Al-Anzi.

Danjire Maxamed Cali-Nuur ayaa soo dhoweeyay wafdiga Sacuudiga, isagoo caddeeyay in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay tahay dowlad walaal ah oo xiriir qotodheer oo ku sal go'an ilbaxnimo iyo dhaqan uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo ah dowlad wax wadaag istiraatiijiyadeed, waxa uu bogaadiyay taageerradeeda bani'aadannimo iyo mowqifyada heer caalami ee ay ku garab istaagto Soomaaliya.

Kulankani ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray qabanqaabada dib u furista Safaarada Sacuudiga ee Caasimada Muqdisho, iyadoo adeegyadeedana laga soo wareejinayo caasimada Kenya ee Nairobi, iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dano wadaagga ah oo ay ku jirto siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga , dhaqanka iyo waxbarashada si looga guul keeno yididiillada iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa qado sharaf maanta ugu sameysay wafdiga Sacuudiga huteelka caanka ah ee Elite ee ku yaal caasimadda, si ay ugu raaxeystaan ​​deganaanta, jawiga raaxada leh iyo hawada nadiifta ah ee Xeebta Liido ee quruxda badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM