Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo la hadlay hogaanka Ahlu Sunna

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah la hadlay hogaanka Ahlu Sunna, sidda ay baahisay safaaradda Muqdisho.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu shaaciyey arrintaas, wallow aanan lagu sharaxin nooca uu yahay wada-hadalkaas.

Safaaradda, sidoo kale, ma aysan fahfaahin ujeedka iyo qodobadda looga hadlay wada-hadalkaas dhanka isgaarsiinta ah.

"Hal nidaam dimuqraadi iyo geedi u socod siyaasadeed oo loo dhan yahay ayaa u fiican Galmudug, muhiim-na u ah mustaqbalka Soomaaliya," ayuu raaciyey qoraalka.

Tani ayaa kusoo aadeysa iyaddoo khilaafka ka dhashay doorashooyinka hogaanka Galmudug uu meel sarre gaarey ayna jirto cabsi ku aadan in ay soo baxaan madaxweyneyaal.

"Mucaaradku waa waajib in ay qeyb ka noqdaan hanaan lagu kalsoon yahay. Hoggaanka saxda ahi macnaheedu waa aqbalaadda wadahadalka iyo isu tanaasulka," ayay raacisay.

Ahlu Sunna ayaa maanta kusoo bandhigtay Dhuusamareeb Xildhibaano oo ka kooban 69, kuwaas oo ay sheegtay in ay u dooran doonan madaxweyne iyo ku xigeen taabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM