Safiirka Mareykanka oo markii labaad Farmaajo ugu yeeray Safaaradda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka cusub ee Mareykanka, Donalnd Yamamoto ayaa markii labaad ugu yeeray xarunta Safaaradda ee uu ka howlgalo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka Safaaradda ayaa lagu sheegay in Yamamoto iyo Farmaajo ay kawada hadleen taageeradda Mareykanka ee uu siiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

"Yamamoto waxa uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaana uu u xaqiijiyay in Mareykanka ay ka go'an tahay inuu sii wado taageeradda Soomaaliya ee nabadeynta dalka, horumarinta iyo arrimaha bini'aadanimada," ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.

Kulankan ayaa noqona midkii labaad oo Yamamoto kula yeeshay Madaxweyne Farmaajo meel ka baxsan Villa Somalia, waxaana tani ay bixinaysa sawir ah in amniga Muqdisho uu wali yahay mid aan la isku halleyn karin.

Safaaradda Mareykanka oo ku taalla gudah Xerada Militeri ee Xalane ayuu Farmaajo kaga gudoomey warqadaha aqoonsiga safiirnimo Donald Yamamoto bishii November ee sanadkii tagey, 2018, iyadoo safiiradda kala lagu qaabilo Madaxtooyadda.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaliya ciidamo dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaasoo xoojiyay duqeymaha cirka tan iyo markii Trump la wareegay White House horaantii 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka

Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka.

  • Soomaliya

    01-08-2026

  • 05:49AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM