Safiirka Mareykanka oo markii labaad Farmaajo ugu yeeray Safaaradda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka cusub ee Mareykanka, Donalnd Yamamoto ayaa markii labaad ugu yeeray xarunta Safaaradda ee uu ka howlgalo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal lagu baahiyay barta Twitter-ka Safaaradda ayaa lagu sheegay in Yamamoto iyo Farmaajo ay kawada hadleen taageeradda Mareykanka ee uu siiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

"Yamamoto waxa uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaana uu u xaqiijiyay in Mareykanka ay ka go'an tahay inuu sii wado taageeradda Soomaaliya ee nabadeynta dalka, horumarinta iyo arrimaha bini'aadanimada," ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.

Kulankan ayaa noqona midkii labaad oo Yamamoto kula yeeshay Madaxweyne Farmaajo meel ka baxsan Villa Somalia, waxaana tani ay bixinaysa sawir ah in amniga Muqdisho uu wali yahay mid aan la isku halleyn karin.

Safaaradda Mareykanka oo ku taalla gudah Xerada Militeri ee Xalane ayuu Farmaajo kaga gudoomey warqadaha aqoonsiga safiirnimo Donald Yamamoto bishii November ee sanadkii tagey, 2018, iyadoo safiiradda kala lagu qaabilo Madaxtooyadda.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaliya ciidamo dagaal kula jira Al-Shabaab, kuwaasoo xoojiyay duqeymaha cirka tan iyo markii Trump la wareegay White House horaantii 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM