Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo sanad kadib la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa sanad kadib waxay safiir cusub u magacaabatay safaaradda ay ku leedahay dalka Mareykanka.

Danjiraha cusub ayaa la yiraahdaa Cali Shariif Axmed, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ah.

Cali Shariif ayaa horey wuxuu u soo noqday diblumaasiga ugu sareeya howlgalka dalka dhaca Geeska Afrika ee wadamadda Itoobiya iyo Faransiiska.

Safiirka cusub ayaa wuxuu bedelaya Axmed Ciise Cawad, kaasi oo haatan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.

Cawad ayaa wuxuu ahaa wakiilka Soomaaliya ee Mareykanka tan iyo sanadkii 2015-kii kahor inta aanan loosoo wareejin Wasaarada Xiriirka Caalamka.

Isaga oo xaqiijinaya in Cali Shariif loo dhiibay jagadaasi, wasiir Cawad ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in Shariif uu dhowaan u socdaali doono Mareykanka.

"Dal ku galka baa haatan loo diyaarinayaan. Isbuucyada soo aadan buu [la wareegi doono shaqada safaaradda]," ayuu u sheegay muuqaal-baahiyaha Universal.

Mareykanka oo safka hore uga jira wadamadda muhiimka u ah diblumaasiyadda Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale ka taageera amniga iyo siyaasadda.

Dhanka kale, wasiir Cawad ayaa daaha ka rogay in la magacaabey safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona UK, wallow uu ka gaabsaday in uu bidhaamiyo magaciisa.

Safaaradaha Soomaaliya ee Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa kamid ahaa kuwa kale oo aaney joogin safiiro balse haatan u muuqda in ay helayaan hogaan cusub oo dalka ku matali doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM