Sagaal qof oo ku dhimatay xarunta karantiilka Covid-19 ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in xalay xarunta karantiilka Coronavirus ee Muqdisho ay ku geeriyoodeen sagaal qof oo lagu arkay astaamaha cudurka safmarka ah.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhammaan qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen 9 bukaan kuwaas oo xalay ku geeriyooday isbitaal Martiini," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda.

War-saxaafadeedka oo lasoo dhigay baraha bulshada ee wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyey in ay sii kordheyso tirada dadka uu xanuunka kusoo ridanayo Isbitaalada gaarka loo leeyahay ee ku yaala caasimada.

Maamuleyaasha Isbitaalda ayay ku dhaleeceysay in ay bukaanada u soo gudbiyaan xarunta karantiilka "waqti aan waxba laga qaban karin, taas oo sababtay in la badbaadin waayo bukaano badan".

"Sidaas darteeda, dhamaan isbitaalada waxaa looga digayaa in ay bukaanada leh astaamaha Covid19 ay ku haayaan isbitaaladooda," ayuu raaciyey qoraalka, oo adkeeyay in xili hore lasoo saaro bukaanka.

Balse, wasaaraddu ma aysan kala caddeynin hadii sagaalka ruux ee ku geeriyooday Isbitaal Mariini la xaqiijiyey in ay qabeen fayruska safmareenka ah ee la hubiyey in uu waddanka ku dilay 23 ay ku jiraan mas'uuliyiin.

Balse hadii la xaqiijiyo tiradan cusub waxay tirada guud ee dhimashada ay ka dhigeysaa 32, taas oo ah sarre u kac aad u balaaran.

Tiradda kiisaska caabuqa ee gudaha Soomaaliya ayaa gaareysa 436. Maadaama ay jiraan, dad horleh oo la baaray saacadihii lasoo dhaafay, waxaa la rajeynayaa in ay intaas kasii kordhi doonto, sidda la saadaalinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM