Sanbaloolshe: Waxaa laygu amray in aan soo xiro Xaaf, balse waan diidey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay lagu amray in uu soo xiro Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], Madaxweynihii Galmudug, balse uu diiday.

Sanbaloolshe oo wareysi siiyay mid kamid warbaahinta gudaha dalka, ayaanan soo bandhigin cidda ku amartay iyo taariikhda la siiyey amarkaas lagu soo xirayay Xaaf, oo kamid ahaa hogaamiyeyaashii khilaafka ba'an kala dhaxeeyay Villa Soomaaliya.

"Sidoo kale, waxaa laygu amray in aan soo xiro siyaasiyiin badan oo mucaarad ah, balse dhamaan waan diidey," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u xirtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo lasii daayey, iyo Mukhtaar Roobow, oo wali xabsi guri ku jira.

Dhanka kale, Sanbaloolshe ayaa sheegay in Fahad Yaasiin, taliyaha haatan ee NISA, uu yahay "kaabaha dowlada madaxweyne Farmaajo".

Sidda uu ka dhawaajiyey Sanbaloolshe, hadafka Fahad Yaasiin ayaa ah inuu xukunka kusii hayo Farmaajo oo haatan hal sano uga hartay mudo-xileedkiisa afarta sano.

"Farmaajo inta uu xukunka arkayo gar ma galeyso. Waxaana ka cabsi qabaa in sidii Siyaad Barre markii xukunka isku dhejiyey wax u burbureen ay Farmaajo gacantiisa ugu burburaan waxa haatan dhisan".

Villa Soomaaliya ayaa aad loogu dhaliilay siyaasadda ay ku wajahdo dhinacyadda kaga aragtida duwan geedi-socodka dib u dhiska dowladnimadda.

Xaaf, madaxweynahii hore ee Galmudug, ayaa khilaaf xoogan kala dhaxeeyay in mudo ah dowladda federaalka, iyadoo madaxda Villa Soomaaliya ku guuleysteen inay xukunka ka tuuraan oo ay ku bedelaan Qoor-Qoor oo kusoo baxay doorashadii Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM