Saraakiil loo xiray maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saraakiil iyo askar ayaa xabsi loogu taxaabay saddex maxbuus, oo 29-kii December, sanadkii hore 2019, ka baxatay Xabsiga Dhexe ee Xamar, sidda uu ogaaday Garowe Online.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha GO in shaqsiyaadka la xiray uu kamid yahay taliyaha ciidamada heeganka ku jiray xiliga ay maxaabiista baxsaneysay.

Jeelka oo ku yaala degmada Xamarwayne ayaa ah mid amnigiisa aad loo sugo, maadaama ay ku jiraan xubno loo xukumay dambiyo kala duwan oo ay kamid yihiin falal argagixiso.

Taliska guud ee Asluubta Soomaaliya ayaa diidey in uu fahfaahin buuxda ka bixiyo xariga saraakiisha iyo baaritaanka socda.

Maxaabiista baxsatay oo midkood laga soo qabtay Kawaanka Kaluunka degmadda Xamarwayne ayaa loo xukumay Al-Shabaabnimo.

Labadda maqan ayaa waxaa lagu waramayaa in midkood lagu xukumay xabsi daa'in, halka kan kale lagu ridday 10-sano oo xarig ah.

Baxsashadda ayaa timid maalin kadib qaraxii dhimashadda badan keenay ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye, halkaasoo lagu khaariyey ku dhowaad 100 qof oo shacab u badan kuna dhaawacmeen 130 kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM