Saraakiil uu Turkiga tababaray oo lagu dilay dagaalka DF iyo Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Laba kamid ah saraakiisha booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa lagu dilay dagaalka Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Cabdi Xuseen Cabdullaahi iyo Saabir Ugaaska ayaa ku naf-waayey isku dhaca laga soo wariyey magaalada caasimadda ah ee Dhuusamareeb.

Dagaalka oo Jimcadii ka qarxay caasimadda Galmudug ayaa leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 20 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku ku geeriyootay dagaalka, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid markii Ciidamda Dowladda Soomaaliya ay weerareen xarunta INJI, oo ah fariisnka ugu weynee Culimaa'udiinka Ahlu Sunna.

Cabdullaahi iyo Ugaaska ayaa la sheegay in midkood uu u dhintay dhaawac soo gaarey. Haramcad waxaa loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab.

Mucaaradka ayaa horey uga digay in ciidamadda loo tababaray Dowladda loo adeegsado maquuninta xubnaha kasoo horjeeda xukuumada uu mudada xileedkeedu gabaabsiga yahay.

Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya ayaa isku haya doorashooyinka madaxtooyadda Galmudug oo ay ka dhasheen madaxweyneyaal ku kala sugan koonfurta Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM