Sarkaal ay mar xirtay Al-Shabaab oo isu dhiibay DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah soo bandhigtay magaca iyo sawirka dagaalame ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, Mukhtaar Maxamed Cabdi oo ku magac dheer Mukhtaar Ganey ayaa isla maanta wuxuu soo gaarey magaaalada Muqdisho.

Balse taliska ma uusan daboolka ka qaadin goorta uu soo goostay iyo kaalinta uu Mukhtaar ku lahaa kooxdu oo in muddo ka ahaa xubin aad u fir-fircoon.

Hasa yeeshee illo wareedyo ayaa waxay xaqiijinayaan in uu ka tirsanaa guutada loo yaqaano Jabha ee xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Xogta ayaa waxay intaasi ku dareysaa in gobolada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed uu kasoo dagaalamay intii u dhaxeysay sanadihii 2008 illaa iyo 2013-kii.

Macluumaad laga helay hay’addaha ammaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay tilmaamayaan in Mukhtaar ay mar xabsiga dhigtay Al-Shabaab.

Xiligaasi ayaa la sheegay in looga shakiyey in uu cilaaqaad dhow la la leeyahay Abuu Mansuur Al Amriki oo kamid ahaa hogaamiyeyaashii soo maray ururkaasi.

Al Amriki ayaa lasoo wariyey in xoogaga ay dishay bishii September 2013-kii kadib markii qarxey is-qabqabsi ku aadan hogaanka dhaqdhaqaaqaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM