Sarkaal dhanka maaliyadda u qaabilsanaa Al-Shabaab oo la dilay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ciidamada amniga maamulka Koonfur Galbeed oo howlgal sameeyay ayaa dilay sarkaal dhanka maaliyadda u qaabilsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Salaad Dheere.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiin, howlgalka lagu khaarijiyey sarkaalkan ayaa ka dhacay degaanka Buula Xaawo Galbeed oo ku dhow magaaladda Bardaale ee ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalame kale oo xubin ka ah xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lagu dhaawacay howlgalka, waxaana laga furtay AK47.

"Howlgalkaan wuxuu qayb ka yahay dhaqdhaqaaqyadda lagu ciribtirayo maleeyshiyaadka argagixisada ah," ayay tiri Wasaaradda Amniga maamulka uu hogaamiyo madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda saraakiisha oo kasoo baxay dhinaca dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Dhanka kale, Beyxalaal Xaaji oo kamid ahaa dadka degaanka ku dhaqan tuulada Kurtun ayaa lagu waramay in xalay la toogtay.

Sidda ay wararku sheegayaan, Bayxalaal oo aan la ogeyn cidda dishay ayaa hogaamiye u ahaa dhaqdhaqaaq la yiraahdo Jameecada Reerbannaani oo isu taagay in ay xididaha u siibaan Al-Shabaab.

"Dadka degaanka waxaa ku qasbay in ay is-abaabulaan markii la afduubtay saddex wadaad," ayay sheegeen dadka degaanka oo intaas ku daray in ay dileen laba xubnood oo ka tirsanaa argagixisada.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayey dadka shacabka ah ee iskooda isku-abaabulay si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, wallow ay aad u hooseyso taageeradda ay ka helaan dowladda federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM