Sarkaal isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal boolis oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Daahir ayaa lagu waramay in uu ka badbaadey qarax miino oo gaari uu watay caawa lagula eegtay isgoyska KM4 ee Muqdisho.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Gaashaanle Maxamed uu waqtigaas kusii jeedo "howla shaqo". Balse, waxay ka gaabsadeen fahfaahin dheeraad ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weeraradan u muuqda mid la doonayey in lagu khaarijiyo sarkaalan.

Waa falkii ugu horeeyay ee liddi ku ah ammaanka oo caasimada ka dhaca tan iyo markii la shaaciyey heshiiska doorashada. Amniga waa mid kamid ah caqabadaha horyaala qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

Heshiiska doorashooyinka waxaa ku cad in ammaanka doorashooyinka ay iska kaashanayaan ciidamadda kala duwan ee qaranka iyaga oo taageero ka ka helaya dhigooda howlgalka nabadeynta Midowga Afrika ee AMISOM.

Boolis ka tirsan AMISOM ayaa sidoo kale waxaa loo dirayaa gobola Gedo gaar ahaan magaalada Garbahaarey halkaasoo maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo geeyay ciidamo la sheegay in uu boob ku damacsan yahay.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa sidoo kale waxay isla meeldhigeen in guddi loo diro gobolka Gedo si ay uga sameeyaan nabadeyn isla markaana u soo saaraan guddoomiye uu magacaabo madaxwayne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM