"Sarkaal ka tirsan" wasaaradda maaliyadda oo lagu toogtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo hubeysan saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen xaafadda Jamhuuriyo, degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas ayaa faafisay in marxuumka uu ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidda ku xusan sheegashadda xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida, magaca marxuumka waa Cabdullaahi Bariise.

Hay'addaha nabad-gelyadda Soomaaliya ayaanan wali ka hadin dhacdadaan. Codsiyo kala duwan oo loo diray si ay uga warbixiyaan warbaahinta madaxa-banaan kama jawaabn telefoonadda.

Goobjoogeyaal ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Garowe Online in ay carareen gacan ku dhiigleyaasha.

Bilooyinkii lasoo dhaafay magaala madaxda Soomaaliya waxaa lagu beegsanayey saraakiisha ciidamadda iyo odayaasha dhaqanka.

Caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa kamid ah; xasilinta caasimadda, la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab iyo wadashaqeynta la'aanta dowlad goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM