"Sarkaal ka tirsan" wasaaradda maaliyadda oo lagu toogtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo hubeysan saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen xaafadda Jamhuuriyo, degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Al-Shabaab oo dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas ayaa faafisay in marxuumka uu ahaa sarkaal ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidda ku xusan sheegashadda xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida, magaca marxuumka waa Cabdullaahi Bariise.

Hay'addaha nabad-gelyadda Soomaaliya ayaanan wali ka hadin dhacdadaan. Codsiyo kala duwan oo loo diray si ay uga warbixiyaan warbaahinta madaxa-banaan kama jawaabn telefoonadda.

Goobjoogeyaal ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Garowe Online in ay carareen gacan ku dhiigleyaasha.

Bilooyinkii lasoo dhaafay magaala madaxda Soomaaliya waxaa lagu beegsanayey saraakiisha ciidamadda iyo odayaasha dhaqanka.

Caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa kamid ah; xasilinta caasimadda, la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab iyo wadashaqeynta la'aanta dowlad goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM