Sarkaal ka tirsanaa ciidanka cirka Soomaaliya oo u dhintay Covid-19
WASHINGTON, US – Sarkaal ka tirsanaa ciidamadda difaaca cirka Soomaaliya isla markaan xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddii kacaanka ee Siyaad Barre ayaa dalka Mareykanka ugu geeriyooday Coronavirus.
Saalax Cabdalla Maxamed oo cudurka uu soo ritay 9-kii April ee sanadkan ayaa ku dhintay gobolada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, sidda uu laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ay kasoo xigatay qoyskiisa.
Wiilkiisa, Cabduqaadir, ayaa xaqiijiyey in aabihii uu horey ula ildarnaa xanuun kale. "Aabe sababadda ayuu ka jiranaa," ayuu yiri.
Inta illaa iyo haatan la og-yahay, marxuumka oo lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee ismaamulkaas ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo cudurkaas safmareenka ah uu ku dilo gobolkaas.
"Si fiican baa loo aasey, wallow ay kasoo qeybgaleen tobban qofood, maadaama la mamnuucay isu imaatinka," ayuu hadalkiisu ku daray.
Ummadda Soomaaliyeed ayuu ka codsadey in ay u duceeyaan aabihii, isla markaana qoykiisa uu sabar iyo iimaan ka siiyo geeridda.
Sidda ay muujineyso warbixintii ugu dambeysay, kiisaska caabuqa dilaaga ah ee gudaha Mareykanka ayaa kor-u-dhaafaya 600-kun; geerida waxay ku dhow-dahay 40-kun, ku dhowaad 58-kun oo qof way ka bogsadeen.
GAROWE ONLINE