Sarkaal ka tirsanaa ciidankii Siyaad Bare oo loo haysto "dambiyo dagaal"

Image

WASHINGTON, US – Dacwad oogista Mareykanka ayaa tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ku eedeysay sarkaal ka tirsanaa dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Yuusuf Cabdi Cali oo deggan gobolka Virginia kaasoo isbuucaan lasoo taagay maxkamad ayaa loo haystaa in 1988-dii uu jirdil uu ku dhimo gaarey uu kula dhaqaaqay Farxaan Maxamed Tani Warfaa.

Janankaan shan xidiglaha ahaa oo la sheegay in gawood-faladaan uu ku geystay degaanada Somaliland ayaa sidoo kale oogay in dhibanaha uu ku qariyey Konteeran muddo halkaasi oo uu ku su'aalayey.

Warfaa oo tibaaxay in uu bilooyin xirnaa ayaa wuxuu tilmaamay in mudadii la haystay uu la kulmayey garaacis joogto ah, isla markaana la qaawiyey.

Su’aallo waydiintiisii ugu dambeysay, Warfaa waxa uu sheegay in Yuusuf uu isagu toogtay dhowr jeer, uuna amar ku siiyey askartiisa in lasoo aas, isaga oo u maleynaya in ay naftu ka baxday.

Balse askartiisa ayaa waxay ku qancisay in wali uu nool yahay Warfaa oo kolkii dambe qoyskiisa loogu bedeshay lacago laaluush ah balse aan tiradeda la shaacin.

Yuusuf oo u soo baxsaday Kanada kadib markii ay dhacday dowladii Kacaanka 1991-dii ayaa Mareykanka u soo sarfay markii dambiyada lagu soo eedeeyay lagu soo bandhigay barnaamij ka baxa mid kamida Tv-yadda.

Eedeysanaha oo ku noolaa gobolka Virginia in ka badan 20-sano ayaa waxa uu ilaaliye mar ka ahaa garoon ku yaala magaaladda Washington inkasta oo qareenkiisa uu beeniyay dacwadda.

Dacwadda uu gudbiyey Warfaa waxaa daba ka riixeysa xarun lagu magacaabo Justice and Accountability, taasi oo fadhigeedu yahay magaaladda San Francisco, sheegatana in ay cadaalad u raadisa dambiyada dagaalada.

Su'aallo ku aadan hadii uu xukun cadaalad heli doono ayaa durba soo if-baxaya maadaama Cadaalada Mareykanka ay kaliya qabato shaqsiyaadka uu isaga u arko in ay "dambiile yihiin".

Gal dacwadeed tan lamida ayaa waxaa 21 miliyan oo magdhow ah ku bixiyey Maxamed Al Samaatay, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, kaasi oo dad la deggan Virginia kusoo eegeen markii uu dhacay taliskii Barre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM