Sarkaal katirsan NISA oo beeniyay inuu ka dambeeyo Qaraxii Howlwadaag

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenkii Hay'adda NISA ee degmadda Howlwadaag, Axmed Kheyr Cadow ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegaya inuu ahaa ruuxii isku qarxiyey xarunta degmada Howlwadaag maalintii Axad ee lasoo dhaafay.

Axmed Kheyr Cadow, oo ah Taliye ku xigeenka Hay'adda NISA u qaabilsan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas, isaga oo shaaca ka qaaday inaanu wax ka jirin, islamarkaana uu haatan yahay mid badqaba.

Wuxuu qiray in waqtiga uu weerarka uu ku sugnaa gudaha xarunta, laakiin aanan xitaa kasoo gaarin wax Garaafo ah, wuxuuna ku nuux-nuux saday inuu sharciga la tiigsan doono warbaahinta faafisay, warkaas beenta ah, siduu hadalka udhigay.

"Ma jiro wax laysku qaldi karo, mar hadii la adeegsaday Magaceyga iyo Sawirkeyga. Waan la hadlay xaruntii warkaasi baahisay [Radio Dalsan], waxaana la iisheegay inuu maqan yahay Agaasimahooda, balse, waxaan ka gudbiyay dacwad," ayuu yiri Axmed.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xarunta degmada Howlwadaag ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof, oo ay ku jiraan caruur Dugsiiley ahayd, halka dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, kuwaasoo qaarkood ay liidato xaaladooda caafimaad.

Kooxda xiriirka la leh Shabakadda Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyada weerarkaan, iyadoo carabka ku dhufatay inay ku dishay Askar iyo Shaqaale ka tirsanaa maamulka degmada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM