Sarkaal lagu tuhmay cudurka Covid-19 oo lagu fasaxay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xarunta karan-tiilka Coronavirus ee dowladda Soomaaliya oo ah Isbitaal Mariini ayaa shaacisay in ay sii deysay qof lagu tuhmay fayruska safmareenka ah ee Corona.

Shaqsigaan la fasaxay ayaa ah sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo kasoo laabtay Talyaaniga, mid kamid ah dalalka uu saameynta ugu ba'an u geystay caabuqa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Isbitaal Mariini ayaa lagu qeexay in talaabada lagu sii daayey askariga ay ka dambeysay markii tijaabooyin laba ah oo laga qaadey ay muujiyeen in uusan qabin cudurka.

Warqadda oo ku taariikheysan 8-ka bisha April sanadkan 2020 ayaa nan lagu soo bandhigin magaca iyo darajada askariga, balse waxaa lagu caddeeyay in uu yahay 25-jir dalka soo galay bishii hore.

Shaacinta ayaa kusoo aadeysa xili tirada kiiska ay gaareen 21 kadib markii Jimcadii ay Wasaaradda Caafimaadka federaalka ku dhawaaqdey sagaal oo cusub, taas oo walaaca ku kordhisay dadka.

Bukaanada ayaa waxaa ku jira afar shaqaale caafimaad, laba ajnabi ah iyo sarkaal kale oo kamid ahaa ciidamadii Talyaaniga tababarka kusoo qaatay ee todobaadkii hore kusoo guriya noqdey.

Ciidamo kale oo ka kala imaanaya dalalka Sacuudi Carabiya iyo Jabuuti ayaa sidoo kale loo diyaarinayaa meel lagu karan-tiilo. Wadamadan waxaa laga soo wariyey kiisas aad u badan oo caabuqa ah.

Qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM