Sarkaal Mareykanka ah oo ku dhintay Howlgal ka dhacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaal qaraar oo xalay kula gashay gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo Mareykanka ah, oo ay kaabayaan kuwa Soomali ah.

War kasoo baxay Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa lagu sheegay in hal Sarkaal oo ciidamada Mareykanka katirsana uu ku dhintay dagaalka, sidoo kalena lagu dhaawacay labo Askari oo kale.

Howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Daarusalaam, oo qiyaastii 60-KM u jira magaaladda Muqdisho, waxaana uu billowday markii ciidamada watey diyaaraddo ay ku daateen meel ku dhaw fariisamaha Al-Shabaab.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab, ee ku aadan dilka Sarkaalka Mareyakanka, iyadoo howlgalkan dhacay xalay uu kusoo beegmayo xilli AFRICOM ay kordhisay duqeymaha dalka Soomaaliya.

Sanadkii tagey, hal Askari oo Mareykanka ay ahaa lagu dilay degaanka Bariire, oo ku dhawa Daarusalaam kadib markii dagaal halkaasi kula galaan xoogaga Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa saldhig weyn ku leh degaanka Balli-Doogle, oo la rumeysan yahay in laga qaado duqeymaha diyaaradaha Drones-ka ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM