Senatar sheegay in xeerka Batroolka uu wali yahay "Hindise Sharciyeed"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senatar Maxamuud Mashruuc oo katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay ansixintii Gollaha Shacabka ee xeerka Batroolka dalka, oo xildhibaanada u codeeyeen shalay.

Senator-ka ayaa ku tilmaamay sharcigan la meel-mariyay inuu lamid yahay sharuucda kale ee dalka, taasoo lagu hago habraaca sharci dejinta sida ku cad qodobbada 82aad iyo 83aad ee daatuurka KMG.

Mudane Masharuuc ayaa dhanka kale sheegay in sharci ahaanshaha xeerka bartoolka uu sax noqonayo marka uu kasoo gudbo Aqalka Sare, kadibna uu saxiixo Madaxweynaha, laguna baahiyo faafinta rasmiga.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in hadii uusan xeerkan kasoo gudbin labada Aqal ee Baarlamaanka, sidoo kalena saxiixin Farmaajo uu baaqi kusii ahaan doono "Hindise Sharciyeedka Batroolka".

"Xiisaha gaarka loo hayo sharcigan, iyo duruufaha dalku marayo fahan qoto dheer ayuu u baahan yahay," ayuu Senator Mashruuc ku yiri qoraal kooban uu uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xeerka Batrool ayaa wali waxaa isku khilaafsan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyad dalka, oo dalbanaya in la joojiyo ilaa heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaaro, islamarkaana laga-talo gelinayo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dooneysa inay bixiso dhamaadk sanadkan shatiyo sahmin shidaal ah, oo ay siinayso shirkaddo shisheeye, iyadoo xogta shidaalka wadanka lagu soo bandhigay shirkii London bishii Febuary ee sanadkan.

Lama oga go'aanka uu Aqalka Sare oo matala dowlad goboleedyada ka qaadan doono meel-marinta xeerka Batroolka ee kasoo gudbay Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM