Senator Jurile oo fariin u diray siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdirisaaq Jurile ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho in ay ka hadlaan falalka burburinaya isla markaana xadgudubka ku ah dowladnimada.

Sharci-dejiyaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa si cad uga soo horjeestay xeerka metelaada gobolka Banaadir ee go'aanka la isku khilaafay uu kasoo baxay.

Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ayaa xeerkaas kasoo saarey go'aan, iyaddoo aysan heshiis ka gaarin saamileydan waddanka.

Xeerkaas ayaa 13 xubnood oo Aqalka Sarre ah siinaya, talaabadaas oo baalmarsan dastuurka oo xeerinaya in tirada golahaas ay tahay 54, hadii wax laga bedalayana ay waajib tahay in la furo dastuurka qabyada ah.

Jurile oo xisbiyadda xusuusiyey in ay ka dhiidhiyaan sharci-jebinta ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya in ay iska indhatirayaan in la helo go'aano is-ogol ah iyo ku tumasho dastuur.

"Waxaan la hadlayaa siyaasiyiinta Xamar [Muqdisho] ku sugan hadda; siyaasiga wuxuu u doortay xilkaas in uu hogaamiyo Umadda, wuxuu u doortay wax wanaagsan in uu ku hogaamiyo, waxa khaldan ee dhibaatada keenaya oo dhaawacaya oo aan horumar u horseedayn; hadii xubno kamid ah bulshadaas ay tahay kuwa dhibaatadaas abuuraya ama hakinaya wanaagii la sameynayey lugta qabanaya in ay ka aamusaan maahan," ayuu yiri.

Xisbiyadda mucaaradka ayaanan wali ka hadlin xeerka metelaada gobolka Banaadir ee go'aanka la isku khilaafay uu kasoo saarey Aqalka Sarre.

Villa Soomaaliya ayaa gedaal ka riixeysa xeerkaas, iyaddoo ujeedada ugu weyn oo ay ka leedahay ay tahay in ay kusoo jiidato bulshadda qaar isla markaana ay ku kala qeybiso shacabka, taas oo laga digay.

Hadalka Jurile ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xilli qaar kamid ah siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho iyo Xildhibaanada u ololeynayey xeerkaas oo kasoo jeeda Galmudug iyo HirShabelle ay hadalo xanaf hawada marinayeen.

MUUQAALKA JURILE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM