Khayre oo lagu eedeeyay mas'uuliyada weerarkii xaruntii Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo kamid ah hogaanka Ahlu Sunna, ayaa maanta oo Axad ah soo saarey war-saxaafadeed uu uga hadlay xaalada Galmudug iyo dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Shaakir ayaa ku tilmaamay weerarkii lagu qaadey xaruntii saldhiga u ahayd Ahlu Sunna ee INJI "xasuuq loo geystay shacab iyo askar", isagoo ku eedeeyay ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre in uu bixiyey amarka weerarkaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in burburinta maamulkii Ahlu Sunna ay "guul weyn u tahay Al-Shabaab" maadaama iyagu muddo ku dhow tobban sano ay kooxdan kula dagaalamayeen, kana saareen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay dhinac martay heshiis caalami ah isla markaana weerarka xarunta INJI u adeegsatay hubkii loogu talagalay la dagaalanka Daacish iyo Al-Shabaab.

Dowladaha taageera ciidamadda Soomaaliya sidda Turkiga iyo Mareykanka ayuu ugu baaqay in ay dib u eegaan deeqda ay siiyaan askarta dhibaatada ka geysaneysa gobolada dalka si gaar ah Jubaland iyo Galmudug.

Beesha Caalamka ayuu u soo jeediyey "in aysan indha ka fiirsan gumaadka iyo caburinta shacbiga ku nool gobolada dalka" isla markaana ay la xisaabtamaan madaxda Villa Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, hay'addaha xuquuqul insaanka ayuu cod dheer ugu booriyey "in ay si dhab ah u baaraan hubka iyo sunta kiimikada ah ee dowladda federaalka ah u isticmaashay weerarkii xarunta Ahlu Sunna Waljameeca".

Shaakir ayaa soo saarey war-saxaafadeedka kadib markii ay isaga iyo Macalin Maxamuud ay ka dhoofeen Garowe, halkaasoo ay ku sugnaayeen muddo ku dhowaad hal todobaad ah.

Wadaadada Ahlu Sunna ayaa ka cararay Dhuusamareeb markii looga adkaaday Galmudug, oo hadda u muuqda maamul gacanta u galay dowladda Soomaaliya isla markaana uu madax ka yahay wasiir ka tirsanaa xukuumada Khayre.

BAYAANKA SHAAKIR

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM