Shabakadii Al-Shabaab ee galbeedka Muqdisho oo xukunno lagu riday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda ayaa Khamiista maanta ah xukuntay shabakadii Al-Shabaab u qaabilsaneyd galbeedka Muqdisho, caasimada dalka.

Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, 23-jir, ina Wiilo Axmed Maxamed, ku dhashay Diinsoor, ayaa garka loo geliyey xukun dil toogasho ah.

Saadaq Cabdijibaar Cumar Xuseen, 21-jir, ina Kaamilo Maxamed, kuna dhashay Xamar, ayaa waxaa isana loo go'aamiyey dil toogasho.

Maxamed Axmed Cismaan Cumar, 24-jir, ina Aamino Siidow Farey, ku dhashay Xamar, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa'in

Ismaaciil Maxamed Aweys, 24-jir, ina Baarliin Sheekh Aadan, ku dhashay Kismaayo, xarunta KMG Jubaland, ayaa helay xabsi daa'in.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu soo eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, fulinta dilalka qorsheysan iyo u kala gudbinta hubka.

Caddeymaha ay dacwad oogeyaasha horgeeyeen xeer-beegtada milatariga ayaa waxaa kamid ah; qiraalo, dukumiintiyadda dhimashada marxuumiinta, laba Bastoolad oo Biljim ah iyo mid Teetey ah.

Dadka ay khaarijiyeen ayaa waxaa kamid ah askar iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo lagu khaarijiyey Muqdisho.

Sidda laga soo xigtay garsooreyaasha, qareenadda xukunsaneyaasha ayaa waxay haystaan muddo ku suntay 30-casho ah oo ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM