Shacab ku leeday madaafiic lagu garaacay degaanka Janaale

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic saacadihii lasoo dhaafay lagu garaacay degaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen goobo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, taasoo khasaaro kala duwan sababtay.

Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku geeriyootay, halka tobban kale ay ku dhaawacmeen, sidda uu xaqiijiyey maamulka oo ka gaabsaday in uu bixiyo warbixin.

Ma cadda cidda ridday madaafiicda. Balse, degaanka waxaa maalmihii u dambeeyay ka jirtay dhiilo colaadeed oo u dhaxeysa ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tobban sano kadib isaga baxay halkaas, wallow lasoo wariyey in ay ku sugan yihiin meel ka fogeyn degaanka Janaale.

Dagaalo goos-goos ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay, kaasoo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamo dowladda oo taageero ka helaya howlgalka AMISOM.

Ma jirto cid si buuxda gacanta ugu haysa degaanka Janaale, taasoo caqabad ku noqotay in gurmad loo fidiyo bukaanada oo qeybtooda laga cabsi in ay dhaawaca u dhintaan.

Sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, colaada tobanaanka sano ka socota Soomaaliya waxaa saameynta ugu badan ay ku yeelatay rayidka oo wajahaya barakac iyo dil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM